Waxaa jiray wiil dhalin yaro ah kaas aad u jacelaa inuu mar noqdo qof guuleysto, balse ma uusan garaneyn sida uu ugu guuleysan lahaa waxa uu doonayay inuu gaadho oo ah guul. maalin ayuu la kulmay nin oday ah oo waayo arag ah, noloshana wax badan ka soo arkay Wiilkii odaygii waayo araga ahaa ayuu la sheekeystay, xoogaa kadib wuxuu weydiiyey su`aashii maskaxdii sa ka dhex guuxaysay oo aheyd “waa maxay sirta guushu?”
ninkii odayga ahaa wuxuu ku yidhi wiilkii waan kaaga jawaabayaa ee aan barri isugu imaano qarka wabiga, sidaas ayaana lagu balamay oo lagu kala tagay. Maalintii balanta markii la gaadhay oo labadoodiiba soo xaadireen wabiga ayaa ninkii waayo araga ahaa ku yidhi wiilkii ina keen aan biyaha galnee, biyihii ayey galeen makii ay badhtamaha wabiga gaadheen ayuu ninkii weynaa madaxa ka qabtay wiilkii yaraa isagoo hoos biyaha ugu riixayo,
wiilkii xaaladii ayaa ku adkaatay ilaa ay indhihii casaadeen, wax yar kadib ayuu sii daayay, wixii ugu horeeyay ee uu sameeyo wiilka yar markii la sii daayay waxay ahed in uu madaxa kor ula soo baxo oo uu neefsado.
ninkii odayga ahaa ayaa wiilkii weydiiyey markii aad ku jirtay biyaha oo aan madaxa kaa hayay, maxaa aheyd waxa aad ugu jecleyd inaad hesho wiilkii ayaa ku jawaabay, hawo si aan u neefsado. odaygii ayaa yidhi hadaba su`aashaad shalay iwaydiisay jawaabteedii waa tan, waxa aad dooneyso inaad ku guulaysato ilaa aad u raadiso sida aad u raadineeysay hawada markaad biyaha ku jirtay kuma guulaysanaysid, sirta guushuna waa taas.
‘inaad guul gaarto uma baahna inaad garab ka sugto ruux kale ee waa inaad garataa inaad garab isku tahay oo aad kaligaa wax qabsan kartid.’
0 Comments