Mark Zuckerberg, wuxuu eedayn taa la mid ah u soo jeediyey shirkadda Connectu oo uu ku tilmaamay inay ka xadeen xeerarkii gaarka ahaa ee boggiisu lahaa oo ay ku horumariyeen boggooda iyo arrimo gaar ah oo ay leeyihiin Sidaa darteed, dacwadaasi waa mid ilaa waqtigan ka dhaxaysa Facebook.com iyo Connectu.
Maalgelintii ugu horreysay ee lagu sameeyo Facebook waxa bixiyey aasaasaha shirkadda Paypal ee Peter Thiel, isaga oo bixiyey lacag xaddigeedu dhan yahay shan boqol oo kun oo dollar ($500,000). Sannadkii 2005-tiii bogga facebook, wuxuu soo jiitay indhaha shirkaddo badan oo ay ka mid tahay shirkadda Accel Partners oo si rasmi ah ugu maalgelisay 127 milyan dollar (Boqol iyo toddoba iyo labaatan milyan oo dollar).
Sannadkii 2006- dii Facebook wuxuu u oggolaaday ardeyda jaamacadaha inay ku soo daraan saaxiibadooda kale, bil kadibna waxa soo baxday warar tilmaamayey in bogga Facebook ay iibsanayaan shirkadaha waaweyn ee adduunka. Haseyeeshee, isla bishaas bogga Facebook waxa uu dib-u-habayn weyn ku sameeyey qaabdhismeedkii uu u samaysnaa oo ay ku soo kordhiyeen horumar aad u ballaadhan.
Sannadkii 2007-dii, ayaa mar kale lagu sameeyey Facebook horumar ballaadhan oo ka yaabisay shirkadaha waaweyn. Shirkadaha qaybta ka iibsadayna waxa ka mid ah shirkadda Microsoft oo bogga ay ku leedahay siisatay $240,000,000 (Laba boqol iyo afartan milyan oo dollar), waqtigan xaadirka ah bogga Facebook waxa uu la ciirciirayaa xayeysiisyada iyo iidhehda shirkadaha ugu waaweyn adduunka oo bil kasta siiya malaayiin dollar.
0 Comments