Marxalad walba oo
da’daada ka tirsan waxaa jira qaab gaar ah oo ay bulshadu kaa fileyso in aad u
dhaqanto. Marka aad sabi tahay oo hadaaq ma ahee, aanad hadli aqoon, una baahan
tahay taageerada inta kugu hareereysan, waxa kaliya oo lagaa filayo, marka aad dareeen
cabasho gudbinayso, sida gaajo, waa ooyin!
Bal ka warran haddii aad hadasho adiga oo ilma yar ah oo weli
dhabta hooyo saaran?! Waxay noqon lahayd mucjiso dadka af-kala-qaad ku ridda.
Waayo, ma jirto cid kaa fileysa in aad da’daasi ku hadasho.
Marka aad hanaqaaddo oo aad gaashaanqaad noqoto, haddii mar ama
marar lagugu arko dhaqan carruureed, dadka oo, dabcan sida caadada u ahba
waardiyo ama gaar kaa haya, waxay ku dhahayaan: ‘nin/naag weyn ayaad tahay ee
isku xishoo!’ Sababtuna waa in da’daada iyo habdhaqankii lagaaga tala jiray la
rabo in ay is waafaqaan.
Sax iyo qalad iyada oo aanba loo eegin, dhaqanka bulshada aad ka
tirsan tahay waa sida xabsi weyn oo leh xeerar kuu fasaxaya sameynta waxyaabo
qaar, isla markaana kuu diidaya sameynta waxyaabo kale. Dhaqanku waa casharro
isu meerintoodu ay ka soo billaabato marka la dhasho, oo noo carbiya sida
ciidan, walow laga yaabo in aynaan taasi ku baraarugsanayn.
Tusaale ahaan, waxaa jira habab aan u dhaqanno annaga oo kaga
dayanayna dadka kale, laakiin aynaan weligeen iswaydiinin sababta iyo xikmadda
habdhaqankaas, xataa si walba oo aan u garaadsanno ama aqoon u kasbanno.
Dad badan oo uu aqoonyahankii Aljeeriyaan-Faransiiska ee Albert
Camus ka mid yahay, waxay qabaan su’aasha ah: “haddii mar walba aan xeerarka
raacno, goormee ayaan raaxaysanaynaa?” Raaxadu waxay noqon kartaa, adiga oo
aanba meel kale ka doonin, in aad u dhaqanto sida duunkaagu qabo ama naftaadu
rabto. Waxaase run ah in xeerarka bulshadu degsatay ama waayuhu sameeyay ay
yihiin silsilado xooggan oo habdhaqanka qofka dabraya. Dad yar ayaa ku dhaca in
ay silsiladahaasi jebiyaan. Waxaa kale oo iyadana daw ah in la tilmaamo oo
waliba la dhiirrigeliyo dhaqamada wan wanaagsan ee bulshadu leedahay.
Sida ay bulshadu u leedahay dhaqamo fiicfiican, ayay u leedahay
kuwo dhaliil mudan, ayna tahay in laga tallaabsado. Bilmetel, ragga waxaa ceeb
ku ah, sida uu dhigayo xeerka bulshadu, in ay ooyaan marka ay ku qasabanaadaan.
Maalinta la arko nin weyn oo hiq hiqlaynaya ceeb uma dhinna.
Tusaale kale; dhaqankaa go’aamiya kaalinta qof walba uu bulshada
ku dhex leeyahay. Wuxuu awood u leeyahay dhaqanku in caqliga caadiga ah iyo
garashada habboonba uu fasax u diro. Bal ka fikir sida ay caadi ku tahay in
wiil iyo gabar wada dhashay oo guriga waalidkood ku nool ay gabadhu cuntada
kariso, dharka iyo alaabta dhaqdo, guriga (qolka wiilkuna kow ka yahay)
nadiifiso, bannaanka ka soo adeegto…wiilkuna uu cabo, cuno, dugsi aado, waqtiga
inta u soo hartana uu cayaar iyo madaddaalo uga faa’iideysto.
Dhaqamadaas iyo kuwa u eg ayaa jira.
Guurku waa dhaqan caalami ah. Macnaha waa dhaqan ummadaha
adduunka oo dhami ay wada leeyihiin. Sidii tusoolooyinkii hore, guurka iyo
qaababkiisaba waxaa talo ku leh dhaqanka ay bulshadu haysato.
Bulshadii Soomaalida ee raacatada ahayd, taranku meel weyn ayuu
noloshooda uga jiray, waayo hab nololeedkoodii ayaa keensanayay baahida loo
qabo dhal fara badan. Sidoo kale ilmuhu waxay ahaayeen, welina yihiin caymis
nololeed oo uu waalidku u baxsado marka uu gaboobo, oo waa tan ay Soomaalidu ku
maahmaahday: waxii la dhalay iyo dhulkaa marti loo yahay.
Markii la magaaloobay, sida la garan karo, hab nololeedkii wax
badan ayaa iska beddelay. Guurkuna dad badan wuxuu u noqday hal mashruuc oo ka
tirsan mashaariicda nolosha ee tirada badan. Waana sababta waayeelka iyo inta
dhaqamada guunka ah aaminsani ay ugu qaadan la’yihiin ama u yaabaan marka ay
arkaan rag iyo dumar da’dii guurka gaaray balse weli doobab ah! Ha iska yaabaan
oo taasi maba loo diiddana, laakiin waxaa looga maara la’yahay in ay ka
waantoobaan su’aasha ah ‘maxaad u guursan wayday?’
Hadda ka dib inta aadan qof qodqodin, oo aadan waydiinin sababta
uu u guursan waayay, ka fikir in haddii ay jiraan boqol sababood oo guurka
loogu degdego, ay sidoo kale jiraan boqol sababood oo aan guurka loogu
degdegin. Faduushaada muslimi oo candhuuftaada dib u liq! Xaaslow, haddaad
guurka u haysato doon lagu raaxaysto oo aad naakhuude ka tahay, soo lagama
yaabo in doobkuna uu ku naalloonayo huuri uu seebkiisa hadba dhanka uu doono
ugu duwayo? Yaa og?
Qalinkii: Shakir Mohamed Abdullahi
0 Comments