Aabbo Taajir ganaacsade ah ayaa wiilkiisa oo aan shaqaysan jeclaystay in uu baro sida loo shaqaysto. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu wiilkiisa oo yeedhay, kuna yidhi "Wax aan rabaa in aan ganacsiga ku baro. Lacagtan qaad oo magaalada hebla safar ugu bax. Badeeco noocaas ah soo rar, si aan u sii iibinno, ka bacdina lacag badan uga dheefno".
Wiilkii lacagtii buu qaatay, wuxuuna u safray magaaladii aabihii u sheegay. Muddo ayuu dhexda ku sii jiray. Magaalada oo aad uga fogayd darteed dhexda ayuu ku sii nastay. Waa casrigii aanay baabuurtu jirin, ee qofku socodka lugihiisa maali jiray. Xilli cadceeddu kulushahay, isaga oo geed hoostii ku nasanaya ayaa waxa geed kale oo agtiisa ah soo hadh-galay dacawo gaajo darteed boggu isku dhagay. Goor uu dacawadii daawanayo ayaa hortiisa waxa kadis uga soo baxay libaax eryanaya deero.
Libaaxa iyo deeradu cabbaar bay is eryanayeen. Inkasta oo deeradu dheeraynaysay, oo ay kolna midig kolna bidix u weecanaysay, qoobabkeeduna dhagax ay saydhanayeen, haddana libaaxu marnaba kama uusan quusan in uu ka hadho, ama is dhiibo. Ugu dambayn libaaxii waa uu qabtay deeradii. Markiiba hilibkeedii macaanka badnaa ayuu ku raaxaystay. Isaga oo dhargay, kulaylkii gaajadu ku haysayna ka bogsooday ayuu raqdeedii iskaga tagay. Dacawadii geedka fadhiday ayaa inta ay boodday hadhaagii libaaxii dul fadhiisatay. Markii ay ka gaajo baxday bay, iyada oo caloosheedu buuxdo iska dhaqaajisay.
Wiilkii oo muddo fiirsanayay waxa dhacay ayaa yaabay. Wuxuu ka yaabay libaaxii dhibka maray, iyo dacawadii geedka hoos fadhiday oo dheeftii wada qaybsaday. Inta uu kacay ayuu waddadii uu ka yimid dib ugu laabtay. Gurigii markii uu gaadhay ayuu aabihii weyddiiyay sababta uu la soo noqday. Wiilkii wuxuu aabihii u sheegay in aanu rabin dhib iyo rafaad, maaddaama aanu gaajo ka cabsanayn, oo uu yahay in aabbo-taajir. Ka bacdina libaaxii iyo dacawadii uu arkay buu uga sheekeeyay.
Aabbihii baa markii uu wiilkiisa dhagaystay yidhi "Waan ogahay in aanad waligaa gaajo u dhiman doonin. Laakiin ma jecli in aad sida dacawadii u noolaatid, oo aad cid kale wax ka sugtid. Waxan rabaa in aad sida libaaxii u noolaatid".
.........................................................................................
0 Comments