Markii uu Mark zuckerberg uu soo gaadhay magaalada Palo Alto afar sanno ka hor muu haysan gaadhi gaadhsiiya gurigiisa amma shaqo uu qabto, si uu u helo wax uu ku noolaado. Si aannu sawirkani inoogu noqon mid mala awaal ah, Mark zuckerberg manta waxa uu ka mid yahay dadka hoggaanka u ah bogga dadweynuhu ku kulmo ee Facebook.com oo ku caanbaxay in dadku ay ku wada xidhiidhaan.
Waxaannu diiday gacan kasta oo u soo bandhigta inay ku maalgashato bilaayiin dollar. Ma rumaysan kartaa arrintaa? Saddexdii sanno ee ugu dambeeyey bogga Facebook oo aan haysan xataa guri kirro ah oo loogu soo hagaago, ayaa noqday mid ay soo dhaweeyaan oo ay ka helaan xafiisyada ugu waaweyn adduunka. Nolosha wiilkani waxay u eeg tahay sidii sheeko filim oo kale, tiknoolajiyada noocan ahna wuxuu bilaabay intii uu ku jiray waxbarashadiisa jaamacadeed.
Qol (dorm) ka mid ah dhismaha jaamacaddii uu dhiganaayey ee
Harvard ayuu ka bilaabay hawlgalkiisa, fakir uu doonaayey in uu bulshada oo dhan
wada gaadho, taas oo soo jiidatay indhaha dad badan.Ardeyda jaamacaddu waxay
bilaabeen inay si joogta ah ugu soo dhawaadaan qolkiisa, iyaga oo doonaayey in ay
shakhsi ahaan ogaadaan waxa uu ku mashquulsan yahay, waxa kaga soo baxay
ardeydii qolkii uu ku jiray Mark fikir ka dhigay Superman oo si kooban adduunka
u gaadhay.
Bilawgii fikradan waxa uu ka bilaabay bog ay ku wada xidhiidhaan
ardeyda jaamacadda oo kaliya waxaana loo bixiyey Networking Site, haseyeeshee
iminka dadka ku wada xidhiidha waxay ka badan yihiin kontan milyan oo qof
(50,000,000) oo ay ku jiraan shaqaalaha laamahaha dawladaha iyo shirkadaha
waaweyn.
Maalin kasta waxa soo booqda boggan dad aad uga tirro badan dadka si
joogtada ah u isticmaala. Mid ka mid ah shirkadaha qiimeeya dhaqdhaqaaqa
internet-ka ayaa ku tilmaamay Facebook inuu yahay bogga 6aad ee ugu isticmaalid
badan Maraykanka dhexdiisa, taas oo micnaheedu yahay in 1% waqtiga internet-ka lagu bixiyo la dul fadhiyo Facebook.
Sidoo kale shirkadaasi waxay tilmaantay inuu Facebook ku jiro kaalinta koowaad, marka la eego dhinaca isku gudbinta sawirada, maalin kastana waxa la isku waydaarsadaa in ka badan lix milyan (6000,000) oo sawir. Facebook wuxuu tartan xawli ah kula jiro barta macluumadka laga raadiyo ee Google, Flickr iyo shirkadaha kale ee hormoodka u ah tiknoolajiyada ee ay daah-fureen dhallinyar da’doodu aad u yar tahay. Dadka fallanqeeya arrimaha dhaqaalahu waxay tilmaameen tallaabooyinka uu ku socdo bogga Facebook in sannad kasta macaashkiisu noqonaayo boqol milyan oo dollar ($100,000,000), taas oo soo jiidatay indhaha suuqyada. LASOCO QAYBTA 2AAD:
0 Comments