Daah-furaha shirkadda Facebook waxa ka
horyimi tartan iyo loolan adag oo uu adduunka la galay, taas oo dadka dhaliilaa ku
tilmaamaan inuu suuqa ku soo galay si aan sharci ahayn, waxase lagu tilmaamay
inuu waligiiba ahaa qof kaligii socod ah. Mark wuxuu ku barbaaray xaafadda ay
degaan dadka hantida badan ee Dobes-fibric oo ku taal magaalada NewYork,
waqtigii uu yaraana wuxuu bilaabay inuu ku ciyaaro kombuyuutarada gurigooda
yaala, taas oo u sahashay inuu si fiican u barto barnaamijyada uu ka kooban yahay
kombuyuutarku, isaga iyo nin ay saaxiib ahaayeen, ayaa soo saaray barnaamij qayb
ka ahaa MP3 oo ay u bixiyeen Winamp oo ay ugu talagaleen inuu sahlo
dhegaysiga muusiga.
Arrintani waxay soo jiidatay oo ay muhiimad weyn u
noqotay shirkaddo waaweyn oo ay ka mid yihiin shirkadda Microsoft iyo
American Online oo u soo bandhigay in barnaamijkaa ay ku darsadaan telefoonada
gacanta ee ay soo saaraan. Bogga Facebook.com, wuxuu hawada si rasmi ah UU u
galay 4 February 2004-tii, kaas oo ay booqdeen kala badh ardeydii jaamacadda
dhiganaysay, muddo laba toddobaad gudahoodna waxa booqday saddex
meeloodow laba meelood. Muddo ka dibna waxa ku soo biiray saaxiibadii Dustin
Moskobitz iyo Chris Hughes oo ka caawiyey inay ku kordhiyaan qalab si fiican
ugu shaqeeya oo u fududaynaaya dadweynaha adeegsanaaya booqashada boggan.
Ardeydaydii dhiganaysay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Harvard waxay
jeclaadeen inay ku soo bandhigaan boggan taariikho kookooban oo ay leeyihiin iyo
sawiradooda. Arrintaas oo dhiirigelisay in ardeydii jaamacadaha kale ay ku soo
biiraan, sida ardeydii Jaamacadda Stanford. Markii la gaadhay bishii May dadka
adeegsaday boggan, waxay ka koobnaayeen soddon jaamacadood, faa’iidada
kaliya ee ka soo gali jirtay mulkiilaha boggan, waxay ahayd marka lagu baahiyo
ogaysiisyada iyo hawlgalada ay leeyihiin ardeyda kala duwan ee dhigata
jaamacadahaas. Lacagta ka soo gali jirtay xayeysiisyadaas, waxa lagu qiyaasay
kumanaan dollar.
Markii uu arkey Mark Zuckerberg guusha uu gaadhay, hadaladii
uu yidhi waxa ka mid ahaa; “Waxaan rajaynayaa inaan safar ku tago California, si
aan fasaxayga halkaas ugu soo qaato oo aan u dabaal dego guusha layaabka ah.”
Dabayaaqadii sannadkii labaad ee jaamacada oo ah sannadka oo uu daboolka ka
qaaday bogga Facebook.com, wuxuu go’aansaday inuu joojiyo sii wadida
jaamacadda, isaga oo door biday inuu hawlgal weyn ku sameeyo ballaadhinta
boggiisa, waxaannu tagay magaalada Paola Alto, isaga oo ay la socdaan labadiisii
saaxiib ee Moskobitzio Hughes, waxaanay kiraysteen dhisme, iyaga iyo Sean
Parker oo ah ninka aasaasay bogga lagu kaydiyo faylasha ee Sharing Service
Napster, dhismahaasi wuxuu u dhawaa jaamacadda Stanford oo dhallinyarta aadka
u isticmaashay Facebook ay ku tilmaameen inay ahayd meeshii digaagadu ay
dhigtay beedka dahabka ah.
0 Comments